
Macalinka cusub ee xili ciyaareedka 2016/2017 ee kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa la xaqiijiyay In uu doonayo agaasimaa farsamada ee kooxda Beyer munich Michael Reschke,
Majalada kasoo baxda dalka Germany ee Bild ayaa maanta daabacday in macalinka iyo agaasimaha Farsamada kooxda Beyer Munich Michael Reschke uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan taasi ayay sabab u noqon karto in uu ninkaan uu kamid noqdo agaasiyaasha kooxda Manchester City xili ciyaareedka cusub.
Macalinkii Hore ee kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa dhawaan heshiis la gaaray kooxda Manchester City isagoona noqon doona Macalinka cusub ee kooxda City.
