Ciidamo ka Gadooday Mushaar la’aan ayaa Rasaas ka Bilaabay Saldhiga Booliska Cadaado

0

Wararka ka imaanaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska Maamulka Galmudug oo ka gadooday mushaar la’aan in ay rasaas xoogan ay ka bilaabeen saldhiga Booliska Magaaladas.

Rasaas xoogaan ayaa lagu waramayaa in haatan laga maqlayo Gudaha Magaalada cadaado gaar ahaan dhanka saldhiga booliska waxaana ridaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug oo la sheegay in ay ka gadoodeen mushaar la’aan.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Galmudug aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaan godoodka ay sameeyeen  ciidamada ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here