Keylor Navas oo ka Hadlay Hamiga koxda Real Madrid ee Horyaalka Spain

0

Goolhayaha kooxda Real Madrid Keylor Navas ayaa tilmaamay in Real Madrid aysan ku guuleysan doonin horyaalka dalka Spain kadib ciyaartii ay soo bandhigtay kulankii ay xalay sida dirqiga ahaa kaga guuleysteen kooxda Las Palmas.

Gool uu waqti dambe dhaliyay xidiga qadka dhexe ee  Casemiro ay Real Madrid kaga guuleysatay kooxda Las Palmas.

Kooxda Real Madrid oo horaan kasoo gudubtay wareega 16-ka ee Champions League ayaa haatan sugeysa kooxdii ay ku dhici laheyd wareega 8-dhamaadka koobka Champions League.

Real Madrid ayaa haatan 12-dhibic ka hooseesaysa kooxda Hogaaminaysa horyaalka dalka Spain ee Barcelona kadib markii ay todobaadkaan ku adkaatay 6:0 waana koox kusii dhawaanaysa ku guuleysiga Horyaalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here