Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo warbaahinta la hadlay ayaa tacsi u direy eheladii dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Magaalada Ankara ee caasimada dalka Turky-ga.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Xukuumada Soomaliya ay aad kaga xuntahay dhibaatada loo geysanayo shacabka reer turki ee aan waxba galabsan isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya iyo shacabka soomaliyeed ay la qeybsanayaan xaaladda adag ee Turkiga hadda heysata.
“Waxaan tacsi u direynaa madaxweynaha, Raisulsulwasaaraha iyo shacabka Turkiga dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Ankara ayuu yiri Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalkxiiska ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).
Inta la xaqiijiyay 30-qof ayaa ku geeriyootay halka 80-kale ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay goob basaska laga raaco uu ku taala bartamaha Magaalada Ankara ee caasimada dalka Turky-ga.

