Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay tahay awood ka maqan maamulka Galmudug, ahlusuna iyo galmudug ayuu sheegay in ay leeyihiin hal cadoow.
C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa madaxda maamulka ahlusuna ugu baaqay in ay soo fariisteen miiska wada-hadalka si loogu hadlaayo tabashooyinka maamulka Gobolada dhexe ee ahlusuna.
“Galmudug waxay siyaasadeedu ku qotantaa in wax walbo oo khilaaf ka dhexjira Galmudug dhexdeeda inaan xallino, Ahlusunna Waljameeca waxaan ugu baaqayey illaa hadane ugu baaqayaa in wixii ay qabaan ay miiska wada hadallada ku sheegtaan ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.
Ma ahan markii ugu Horeysay uu madaxweyne Guuleed uu baaq u diro maamulka Gobolada dhexe ee ahlusuna oo marar badan ku celceliyay in uusan aqbali doono wada-hadal uu la galo maamulka Galmudug.

