Dhageyso:- Maamulka Ahlusuna oo ka Hadlay Hadal kaso Yeeray Wasaarada Amniga Galmudug

0

Xili shaley uu sheegay wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed)  uu sheegay in maalmaha soo socdo ay u guuri doonaan Degmada Dhuusamereeb ee Gobolka galgaduud ayaa hadalkaasI waxaa si kulul kaga jawaabay Maamulka gobolada Dhexe ee ahlusuna waljameeca.

Shiikh mursal Maxamed xeyfoow oo ah afhayeenka  Maamulka gobolada Dhexe ee ahlusuna waljameeca oo la hadlayay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in warka ka soo yeeray wasiirka Amniga Galmudug uu yahay hadal daandaansi ah islamarkaana hurin kara colaado cusub

Dhanka kale afhayeenka ahlusuna ayaa sheegay in Ciidamada itoobiya ee ku sugan Magaalada dhuusamareeb aysan qeyb ka aheyn qorshaha  maamulka Galmudug ku doonayo in uu kula wareego Magaalada dhuusamareeb islamarkaana waxa uu beeniyay in Ciidamada itoobiya ay meelaha muhimka ah ee Magaalada haatan gacanta ku hayaan

Gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa haatan ka kala arimiya Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Labada maamul waxaa ka dhaxeeya qilaaf siyaaseed oo marar badan sababay Gacan ku Hadal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here