Sir Alex Ferguson oo ka Hadlay Xidiga ugu Saameynta Badan kooxda Leicester City

0

Macalinkii Hore ee kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in xidiga qadka dhexe ee kooxda Leicester City N’Golo kante uu yahay xidiga kaliyah ee kooxdiisa ka caawinaya xili ciyaareedkaan ku guuleysiga horyaalka dalka Ingiriiska.

24-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka France ayaa kooxda hogaaminaysa horyaalka dalka ingiriiska Leicester City kaga yimid kooxda Caen bishii August aduun dhan  £5.6 million wuxuuna kamid yahay xidiga xili  ciyaareedkaan wacdaradaha ka muujinaya horyaalka.

Sir Alex Ferguson oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laacibka reer Farnce ee N’Golo uu yahay midka ugu saameynta badan kooxda Leicester City

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here