Madaxweynaha maamulka Juba-land ayaa habeenkii xalay ahaa kulamo waqti badan qaatay waxa uu xarunta Madaxtooyada maamulka juba-land kula yeeshtay wakiilka Midowga Africa ee soomaliya Francisco Caetano Madeira, iyo madax kale oo ka tirsan amisom.
Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe iyo mas’uuliyiinta amisom ka tirsan ee shalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay kawada hadleen arimaha ku aadan sidii maamulka Juba-land u qaadi lahaa duulaan gobolada jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka soomaliya loogu saaro maamulka al-shabaab.
Arimaha ugu badan ee shalay u gaareen madaxda amisom ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Juba-da Hoose ayaa lagu sheegay sidii maamulka juba-land ay kala hadli lahaayeen duulaanka ka dhanka ah al-shabaab.
Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Ciidamada Jubbaland iyo Amisom ay u diyaar garoobeen, duulaan militari oo ka dhan ah maamulka Al Shabaab, si looga saaro dhulka ay ka jooggaan Jubbooyinka.

