Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Maxamed Axmed Xaashi “ Qoslaaye” oo maanta warbaahinta shir jaraaid ugu qabtay xarunta degmada heliwaa ayaa ku wargaliyay shacabka degmadaas In ay guryahooda hortooda ka jaraan geedka loo yaqaano geed yahuudka oo saameyn ku yeeshtay wadooyinka degmada heliwaa.
Mudane Maxamed Axmed Xaashi “ Qoslaaye” Guddoomiyaha degmada Heliwaa ayaa tilmaamay in maamulka uu u qabtay shacabka ku nool xaafadaha degmadaas muddo 15 cisho in ay ku jaraan geedaha kasoo baxay guryaha hortooda sida geed yahuudka, isagoo intaa ku daray in ciddii ka dhago adeegta awaamiirta maamulka degmada heliwaa lagu ganaaxi doono hal milyan oo shilin Soomaali ah.
“Muddo 15bari ah ayay heystaan dadka ku nool xaafadaha degmada heliwaa In ay ku jaraan geedaha kasoo baxay guryahooda hortooda sababtoo ah waxa ay jareen qaar kamid ah wadooyinka degmada heliwaa ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Axmed Xaashi “ Qoslaaye”
Dhanka kale maamulka Degmada Heliwaa” ayaa ugu baaqay dadka ka maqan guryaha ku yaala degmada heliwaa ee Gobolka Banaadir in ay ka jaraan geedaha ku yaala guryahooda hortooda cidii arintaas ka hor imaada ayuu gudoomiyaha sheegay In lagala wareegi doono guryaha. lana dajin doono dadka barakacayaasha.

