Wararka naga soo gaaraya degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya In Gudaha degmadaas maanta qarax miino lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya oo halkaas marayay.
Qaraxaan oo ka dhacay goob ay dadku fariistan oo ku taala Suuqa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan qaybta qudaarta, ayaa waxaa ku dhaawacantay sideed ruux, oo afar ka mid ah ay ka tirsanaayeen Ciidanka Canshuurta Afgooye.
Intaas kadib ciidamada Nabad sugida iyo kuwa Booliska degmada afgooye ayaa la sheegay in ay goobta uu qaraxa ka dhacay ay ka sameeyeen Howlgal kaasi oo lagu qabtay laba nin oo lala xiriirinaayo qarax khasaare gaystay,
Gudoomiyaha degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose C/khani Yuusuf Axmed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada nin ee la qabtay ay goob ganacsi oo lagu iibiyo qalabka electronic-ka ay ku lahaayeen goobta uu qaraxa ka dhacay haatanaay ku xiran yihiin saldhiga booliska degmada Afgooye.

