Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Soomaliya oo Maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gaafoow oo Soo dhaweeyey Wasiirada ayaa waxaa uu sheegay in qaraxii ka dhacay diyaaradda daallo Air line ka dib feejignaan dheeri ah la galshay shaqaalaha ka shaqeeya Garoonka diyaaradaha islamarkaana ay hubiyeen Ammaanka iyo dhaq-dhaqaaqa guud ee Garoonka Diyaaradaha.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maareeye oo u hadlay Wasiiradii Garoonka tagay ayaa sheegay in ujeedka Socdaalkooda uu yahay muujinta in Qatar dhanka Amniga ah isagoo sheegay in howsha garoonku ay caadi kusoo laabatay Maantana ay bilowdeen duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde tan iyo weerarkii dhacay kadib.

Labadii Bishii February  Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa  ka dhacday Qarax loo adeegsaday  Computer Labtop ah oo uu fuliyey ruux Garoonka ka  raacay Diyaaradda Daallo oo ka baxday,iyadoo Ninkii watay Computerkaasi  kuu ku dhax qarxay Diyaaradda,balse uu ku dhintay Kaligii

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here