Warar dheeri ah oo kasoo baxaya qarax ka dhacay Degmada Garbahaareey.

0

Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo Wararka ka imaanaya waxaa ay ku waramayaan in Xalay fiidkii degmadaasi uu ka dhacay qarax miino nuuca dhulka lagu aaso ah oo la galshay meel maqaaxi ah oo ku taalla degmadaasi oo ay dadku isugyu yimaadaan.

Maamulka Degnmada Garbahaareey ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxa iyo qaabku u dhacay waxaana masuuliyiinta maamulku ay sheegeen in waxyeello ay soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Garbahaareey oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in laba ruux oo mid ka mid ah ay ahayd haweeneydii la hayd maqaaxida qaraxu ka dhacay ay ku geeriyoodeen,tira intaa ka badan oo iyana shacab ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here