Faah-Faahin:- ku Saabsan Qaraxa ka Dhacay Xarunta Gaadiidka Booliiska ee Degmada C/casiis

0

Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay Xarunta Gaadiidka booliiska ee Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay afafka hore ee Xarunta Gaadiidka booliiska ee Degmada C/casiis waxaana la sheegay in uu geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowlada soomaliya.

Xarunta Gaadiidka booliiska ee Degmada C/casiis ayaa la sheegay in maanta ay ku kulmi rabeen saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Gobolka Banaadir madaama Booliska uu dhawaan la wareegay qeybo kamid ah Amaanka Magaalada Muqdisho.

Gaariga is qarxiyay ayaa la sheegay in uu ku qarxay xarun ay ku shaahayeen saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowlada soomaliya oo ku taala afafka hore ee  Xarunta Gaadiidka booliiska ee Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Cidna ma sheeganin qaraxa saakay ka dhacay afafka hore ee xarunta Gaadiidka ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here