Al-shabaab oo Beeniyey in Mareykanka uu ka dilay Askar Gaareysa 150.

0

Afhayeenka Al-shabaab ee dhanka howl galada oo la hadlay TV-ga laga leeyahay dalka qadar ee Aljazeera ayaa beeniyey hadalkii kasoo baxay wasaarada gaashaandhiga mareykanka oo ahaa in ay duqeyn ku dileen in ka badan 150 dagaal yahan oo Al-shabaab ka mid ahaa.

Afhayeenka ayaa TV-ga u sheegay in uu mareykanka ku jiro riyo kadib sheegashada in ay dileen dagaal yahano gaaraya 150-askari amaba ka badan.

Xukuumada Washington ee mareykanka ayaa isniintii shalay sheegtay in ay duqeyn ay diyaaradaha mareykanka ka fuliyeen deegaan lagu magaaco Raaso oo ka tirsan gobolka hiiraan in ay ku dileen maalinkii sabtiga 150 dagaal yahan oo Al-shabaab ka mid ahaa.

Mareykanka waa uu riyoonayaa , marnaba ciidankeena iskuguma yeerno hal goob inagoo og sida ay tahay xaalada amaan, sidaas waxaa TV-ga Al-jazeera u xaqiijiyey afhayeenka dhanka howl galada ee Alshabaab Abdulaziz Abu Mus’ab.

Abuu muscab ayaa la weeydiiyey in ay jirto duqeenta uu mareykanka sheegayo ee lagu dilay askarta badan waxaana uu ku jawaabay

”Haa weerarka duqeynta ah weey jirtaa, waxaana ay ka dhacday goobta ay sheegayaan ee Raaso laakiin tirada ay u sheegeen dunida waa been ayuu yiri abuu muscab.

Maalinkii sabdiga ee isbuucaan ayaa diyaaradaha mareykanka ay duqeeyeen deegaanka Raaso halkaasi oo ay fariisimo ku la haayeen Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka pentagonka mareykanka jeff Davis ayaa sheegay in duqeentaasi ay Al-shabaab kaga dileen askar gaareysa 150 dagaal yahan , halkaasina ay ku taashay xero ay Al-shabaab dhalin yarada ku tababari jireen balse ugu dambeen ay burburiyeen saldhigaasi military oo Al-shabaab deegaanka Raaso oo ka tirsan gobolka Hiiraan masaafo dhana 195Km kaga beegan magaalada muqdisho dhanka waqooyi.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here