Yuusuf  Dabageed:- Qaraxa ka Dhacay Garoonka Ugaas Khaliif Al-shabaab ayaa ka Dambeeyay

0

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax xoogan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ee Ugaas Khaliif.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay shalay afafka hore ee Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne ay ka dambeeyeen xarakada al-shabaab isla markaana ujeedkooda ahaa in lagu haligo shacabka soomaliyeed.

Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan waxa uu ku amaanay ciidamada amaanka Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif qaabkii ay u fashiliyeen qaraxii lala damacsanaa in lagu qarxiyo Gudaha Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay falkaas usoo qabteen dhowr qof isla markaana ay haatan ay ku socdaan baaritaano dhawaana ay soo bandhigi doonaan.

Shalay ayay aheyd markii qarax loo adeegsaday Laptop uu ka dhacay afafka Hore ee Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay 6-ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen ciidamada Jabuuti.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here