Dowlada Soomaliya oo Gacanta ku Dhigtay Cabdi Nuure Siyaad oo loo Yaqaan Cabdi waal

0

Dowlada soomaliya ayaa maanta gacanta ku dhigtay  Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaan Cabdi waal oo kamid ahaa dadka ay dowlada soomaliya baadi-goobaysa mudooyinkii dambe.

Soo qaba shadiisa ayaa la sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen sirdoonka dowlada Kenya iyagoona usoo gacan galiyay laamaha amaanka dowlada soomaliya waxaana laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaliya ayaa siyaasiga Cabdi Waal ku tuhmaysa in uu ku lug lahaa  Iska-horimaad ay Ilaaladiisa la galeen Ciidamo ka tirsan hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA bilowgii bishii August ee sannadkii 2014-kii.

Siyaasiga Cabdi Waal waxa uu bishii August 22-dii ee sannadkii 2014-kii si qarsoodi ah kaga dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuuna sii raacay Diyaarad ku sii jeeday magaalo madaxda Gobolka Galgaduud ee Dhuusa-mareeb.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here