Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay afafka hore ee Garooka diyaaradaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Warar lagu baahiyay baraha al-shabaab ayaa lagu sheegay in al-shabaab ay qaraxaas ku dileen 2-askari oo ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee amisom oo ku suganaa ilinka hore ee Garoonka Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne.
“Qaraxii ka dhacay Magaalada Beledweyne gaar ahaan Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif waxaa fuliyay guutada qaraxayada al-shabaab waxaana lagu dilay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka amisom ayaa lagu yiri warka kasoo baxay al-shabaab.
Marka laga soo tago sheegashada al-shabaab maamulka Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 6-ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka amsiom.

