Macalinka kooxda arsenal Arsene Wenger ayaa amaan u jeediyay goolhayihiisa David Ospina kadib fursado uu badbaadiyay kulankii Tottenham ay barbaraha la galeen sabtidii.
Goolhayaha heerka caalami ee xulka dalka Colombia ayaa mar kale la filayaa in uu kusoo bilowdo kooxda arsenal kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Hull City ciyaarta ku celiska Fa Cup-ka kadib dhaawac soo gaaray Petr Cech.
Macalin wenger ayaa tilmaamay in goolaha labaad ee kooxda arsenal David Ospina in uu yahay mid mustaqbal wanaagsna ku leh kooxda kadib 9-fursadood uu badbaadiyay kulankii ay la ciyaareen kooxda Tottenham.

