War Deg Deg: Qarax Xoogan oo ka Dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu ka dhacay afafka Hore ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle taliyaha ciidanka booliska ee degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ku jiray boorsooyin rakaabku lahaayeen oo la doonayay in diyaarad Xamar u soo socotay lagu qarxiyo.

Ilaa haatan lama Ogo qasaaraha ka dhashtay qaraxa ka dhacay afafka Hore ee Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here