Mustaf Dhuxulow: Dowlada Wada Hadal Hala Gasho Dhalinyarada ka Tirsan Al-shaabab   

0

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow,  oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa ku baaqay in wada hadal dhab ah lala galo Dhalinyarada ka tirsan xarakada Al Shabaab si ay uga tanaasulaan fikradaha ay aaminsan yihiin.

Wasiirkii Hore ee wasaarada warfaafinta Soomaliya  Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, haatana ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in aan  al-shabaab loogu adkaan Karin kaliyah dagaal balse loo baahan yahay in dhalinyarada ka tirsan lala galo wada-hadal si ay ugu tanasulaan fikirkooda ah in ay kasii mid ahaadaan xarakada al-shaabab.

“Dowladda marar badan ayay cafis u fidisay dhalinyarada ka tirsan, waxaa shaki ku jirin inaan Milateri ahaan wax lagu xalin karin, waa in fikir loo isticmaalaa dhalinyarada ka tirsan al-shabaab  ayuu yiri xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow,

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, waxa uu dhanka kale ka hadlay faaidada ka dambeysa cafiska ay dowlada soomaliya u fidineyso dhalinyada ka tirsan xarakada al-shabaab iyo farqiga u dhaxeeya kan dowlada soomaliya isku soo dhiibay in kan dagaalka lagu soo qabtay.

Waxa uu sheegay in cafiska ay dowlada soomaliya fidineyso ujeedkiisa uu yahay in dhalinyarada al-shabaab ka tirsan ay kasoo baxaan dhibaatada ay xiligaan ku jiraan ayna dib ugu soo laabtaan shacabkooda iyo dowladooda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here