Faah-Faahin: Madaafiic Xalay Lagu Garaacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in xalay degmadaas lagu  weeraray tiro madaafiic ah oo intooda badan ku dhacay goobo ka baxsan meelaha ay shacabku degan yihiin.

Dad ku sugan degmada Baraawe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaafiicda ay u muuqdeen kuwa laga soo tuuray duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaana lagu tuhmayaa xarakada al-shabaab oo ku sugan duleedka.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe, Xuseen Maxamed Barre (Jeex), ayaa si xoogan xarakada Al Shabaab ugu eedeeyay in ay qalqal-gelinayaan shacabka xasiloonida ku haysta degmada baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ciidamada Amisom ayaa la sheegay in madaafiic jawaab u aheyd kuwii lasoo tuuray  in ay ku tureen duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Baraawe, Xuseen Maxamed Barre (Jeex),

Lama ogo qasaaraha  soo gaaray dadkii  shacabka ahaa ee ku noolaa degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo kamid ah meelaha ay gacanta ku heyso dowlada Soomaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii al-shabaab ay tiro madaafiic ah ay ku weerareen degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana ku dhaawacmay 14-qof oo dad shacab ahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here