Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf oo Maanta Lagu aasay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya+sawiro

0

Waxaa Maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu aasay Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi.

Aaska loo sameeyay Allaha u naxariistee  Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde waxaa ka qeyb galay  wasiirro,xildhibaano,Mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya,Siyaasiyiin,waxgarad,Culumaa’udiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Ugu Horeyntii Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille oo kamid ah dadkii ay aadka isku yaqaaneey Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde ayaa ka sheekeeyay waxa uu ka yaqaanay marxuumka.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille waxa uu sheegay in Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde uu kasoo shaqeeyay idaacadihii radio Hargeysa iyo radio Muqdisho isagoona kasoo noqday agaasimiyaasha idaaacadaas madaama soomaliya ay xiligaas ka jireen labadaas idaacadood.

“Waxa uu ahaa dadkii ay ka timid figrada shirkii Imbakasi ee lagu dhisay dowlada hada dalka ka jirta,isagoo sidoo kalna hormuud ka ahaa dhisidda maamulka Puntland”Ayuu yiri  Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta aaska ka qeyb gashay waxaa kamid ahaa Pro Maxamed Cabdi Gaandi iyo xildhibaan Abshir Xasan Abshir,danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo Siyaasiyiin uu ka mid ahaa C/raxmaan Baadiyow. Kuwaasi oo umada soomaliyeed ugu tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

IMG_4865 IMG_4866 IMG_4870 IMG_4892 IMG_4904 IMG_4915 IMG_4921 IMG_4923 IMG_4935 IMG_4941 IMG_4952 IMG_4966-1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here