Ka dib kulan ay wada yeeshteen madaxda galbeedka qaaraddaan afrika ayaa waxaa ay ku hishiiyeen dhisada ciidamo isku dhaf ah oo la dagaalamo kooxaha islaamiyiinta ee book xaraam iyo ururka Al-Qaacida.
Wasiirada difaaca ee dalalka galbeedka afrika oo ku shiray caasimada dalka chad ee N’Djamena ayaa isku raacay in ciidanka ee xaruntiisa noqoto dalka chad oo daris la ah dalka Nigeria oo ay ka dhisan yihiin book xaram.
Waxaa lagu hishiiyey in ciidanka laga soo aruuriyo dalalka Chad, Niger, Burkina Faso, Mali and iyo daka murutaaniya. kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya dagaalka lala galaayo kooxaha islaamiyiinta.

