Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu amar ku bixinaayo inaan la xiri karin wadooyinka Magaalada Muqdisho, ilaa Gobolka lagu soo wargeliyo Moyee.
Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho waxa uu ku wargaliyay Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir in ay kormeero ku sameeyaan wadooyin xiran.
“Meel la xiri karo ma jirto illaa Gobolka Banaadir uu ka ogyahay, Gudoomiyaasha degmooyinka waxaan u sheegeynaa inay kormeer ku sameeyaan oo ay ogaadaan meelaha la xiray ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Madaale.
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xilli horay looga digay Ganacsatada iska xirashada waddooyinka Magaalada Muqdisho,

