Wararka haatan ka imaanaya Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in xaalada ay haatan tahay mid aad u dagan isla markaana ay Magaalada gacanta ku hayaan ciidamada ahlusuna waljameeca.
Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Xeefow,oo warbaahinta simba la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ahlusuna waljameeca ay xiligaan ku sugan yihiin Gudaha Magaalada ayna meesha ka sareen ciidamadii uu hogaaminaayay Liibaan Madaxweyne oo dhawaan ka goostay ciidamada dowlada soomaliya ee Bariga Gobolka galgaduud.
Dhanka kale Maamulka Ahlusuna waljameeca ayaa sheegay in ciidamada ahlusuna ay gacanta ku dhigeen sarkaal liibaan madaxweyne lagu magacaabo oo hogaaminaayay ciidamo dhawaan ka goystay ciidamada dowlada soomaliya .
Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Xeefow, waxa uu sheegay in dagaalkii xalay ilaa saakay socday in ay si cad uga qayb qaateen ciidamada Nabad Suggida Galmudug iyo ciidanka 21-aad oo uu sheegay inay ka soo duuleen Deegaanka Godinlabe.

