Baarlamanka Soomaliya oo Su’aalo Weydiinaya Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida

0

Raisulwasaaraha soomaliya Mudane cumar Cumar Sharmarke ayaa ka qeyb galaya kulanka mudanaayaasha Baarlamanka Soomaliya ugu socda xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka waaa sidoo kale ka qeyb galaya qaar kamid ah Golaha wasiirada Xukuumada Soomaliya oo goob-joog ka noqonaya kulanka loogu hadlaayo amaanka caasimada Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Sheegay in ajandaha la guda galayo, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Taliyaha Nabada sugiddana ay joogaan kulanka.

kulanka baarlamaanka waxaa dibadda looga saaray saxaafadda sababo la xiriira arrimo xasaasi ah oo laga hadli doono sida uu sheegay guddoomiye jawaari, iyadoo codeen loo qaaday saxaafadda in ay kulanka joogto iyo in kale laysku raacay in ay bannaanka u baxaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here