Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku leeyihiin xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka Maanta waxaa xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya hortagaya wasiirka amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C/raxmaan Tuur Yare.
Wasiirka amniga iyo Taliyaha Hay’ada Nabad sugida ayaa shalay lagu waday in ay hortagaan xildhibaanada baarlamanka soomaliya si wax loogu weydiiyo amni darada kusoo korortay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka amniga Xukuumada Soomaliya Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Gudoonka sare ee Baarlamanka Soomaliya u qoray warqad ku aadan in uusan hor imaan Karin mudanaayaasha baarlamanka soomaliya sababo jiro awgeed.
Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya oo kulankii shalay hadalo ka jeediyay ayaa wasiirka amniga Iyo taliyaha hay’ada Nabad sugida ku eedeeyay in ay ku fashilmeen xaqiijinta amniga Magaalada Muqdisho loona baahan yahay in is badal lagu sameeyay laamaha amniga dalka.

