Wiil Soomali ah oo Lagu Toogtay Dalka Mareykanka

0

Booliska Magaalada Salt Lake City ee Gobolka  Utah  ee dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay wiil soomali oo qaxooti ku ahaa dalkaas.

Abdi Mohamed, oo 17-sano ah ayay booliska toogteen kadib markii ay ku eedeeyeen isaga iyo wiil kale oo la socday In ay weerar kusoo qaadeen xarun ay ku sugnaayeen ciidamada booliska  Magaalada Salt Lake City ee Gobolka  Utah   ee dalka Mareykanka.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay ku amreen Abdi Mohamed, in uu dhigo ul bir ka sameysneed balse abdi ayaa arintaas diiday taasi oo keentay in askari ka tirsan ciidamada uu rasaas ku furo wiilka soomaliga ah.

Dadka Magaalada Salt Lake City ee Gobolka  Utah  ee dalka Mareykanka ayaa dhigay dibadbaxyo ayay kaga soo horjeedaan arinta ay sameeyeen ciidamada booliska Magaaladaas iyagoo soo qaatay boorar ay ku qornaayeen hala joojiyo dilalka iyo ereyo kale.

Dhanka kale saraakiisha booliska Magaalada Salt Lake City ee Gobolka  Utah   ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta lagu hayo askarigii falkaas sameeyay isla markaana dhawaan lasoo bandhigi waxa sababay arintaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here