Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshtay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka maanta ee Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa lagu waday in ay hortagaan Wasiirka Amniga Qaranka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka, General C/raxmaan Maxamed Tuuryare. balse dib ayay u dhacday arintaas.
Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa warqad u soo qoray Gudoonka sare ee baarlamanka Soomaliya , isagoo ka cudurdaartay inuu maanta hor imaan waayo Baarlamaanka, hase ahaatee wuxuu sheegay in maalinta berrito ah uu hortagaayo.
Intaas kadib mudanaayaasha baarlamanka Soomaliya ayaa guda-galay inay ka doodaan amni darrada dalka ka jirta, waxayna si adag u dhaliileen Wasiirka Amniga, oo Sabtidii Baarlamaanka ku eedeeyay inuu ku dhegan yahay meelmarinta sharciga la dagaalanka argagaxisada.
“Ra’iisal Wasaaraha markii uu barnaamijkiisa waxqabadka uu u soo gudbinaayay Baarlamaanka, waxaa ku xusneyd qorshaha Xukuumadda ee wax kaga qabaneyso ammaanka, isagaa yiri Wasiirka Amniga ayaana shaqadaas qaabilsan, muxuu marmarsiyo uga dhiganayaa sharciga la dagaalanka argagaxisada, oo uu u leeyahay Baarlamaankaa ku dhegan?” ayay tiri Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye.
Mahad Cabdalla Cawad, Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Baarlamaanka Somaliya, oo shir gudoominaayay kulankii maanta ee xildhibaanada baarlamanka soomaliya ayaa laamaha amniga dalka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugida amniga.

