Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed  oo Tababar u Furey Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Booliska  

0

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed  Sareeyo Gaas Maxamed sheikh Xasan xaamud ayaa Maanta Tababar u Furey 40 ka tirsan saraakiisha ciidanka booliska, gaar ahaan taliyeyaasha saldhigyada booliska ee gobolka Benaadir.

Tababarka uu Maanta Furey Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed Maxamed sheikh Xaamud ayaa socon doona Muddo 30-cisho ah waana Tababar saro loogu qaadayo Tayada saraakiisha ciidamada Booliska Soomaliyeed.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud,  taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo furay tababarka maanta  ayaa saraakiisha  ciidamada Booliska Soomaliyeed kula dar-daarmay inay waqtiga ilaaliyaan oo ay ka faa’iideystaan tababbarka la siinayo.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed waxa uu sidoo kale sheegay in Tababaradaan la siinaayo saraakiisha ciidamada Booliska Soomaliyeed loogu talagalay in saro loogu qaado tayadooda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here