Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay raggii soo abaabulay qaraxyadii xooganaa ee shalay ka dhacay Gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, C/laahi Cali Watiin, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada amaanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ay gacanta kusoo dhigeen qaar kamid ah raggii soo abaabulay qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo isla markaana haatan ay ku xiran yihiin xarumaha ciidan ee magaalada Baydhabo.
Sidoo kale C/laahi Cali Watiin Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta kusoo dhigeen rag gaaraya 7-ruux isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada Nabad sugida mamulka koonfur Galbeed soomaliya.
Howlgalo amni xaqiijin ah ayaa wali ka socda Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay kuwaasi oo ay sameynayaan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

