Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane Shariif xasan sheikh aadan ayaa ka hadlay qaraxyadii xooganaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Shariif Xasan sheikh aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa sheegay in qaraxyadii labada ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay in lala beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaaa meel maqaayado ah.
Dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa kamid ahaa Wasiir ku xigeenkii Dhaqancelinta iyo hub ka dhigista Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed, oo xiligaas la sheegay in uu marayay meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay ee Gudaha Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Shariif xasan ayaa ugu baaqay beesha caalamka in maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya laga taageero la dagaalanka al-shabaab.
Dhanka kale Xaalada Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa saakay degan kadib markii shalay qaraxyo xoogan ay ka dhaceen waxaa saakay sidoo kale socda howlgalo ay sameynayaan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

