Goolhayaha kooxda Arsenal Petr Cech ayaa xaqiijiyay in uu noqon doono macalinka kooxda arsenal markuu ka fariisto kubada cagta.
33-jirkaan ayaa ku guuleystay 4-koob oo horyaalka dalka Ingiriiska 1-champions League 11-sano uu ku qaatay kooxda Chelsea laakin haatan waxa uu kamid yahay kooxda arsenal oo 12-sano sugeysa ku guuleysiga horyaalka dalka Ingiriiska.
Cech ayaa dhawaan sheegay in uu sii joogi doono kooxda Arsenal isagoo usoo ciyaari doono 3-xili ciyaareed ka hor inta uusan ka fariisanin kubada cagta.

