Shirkada what’s app ayaa bayaan ay soo dhigtay bage-keeda internetka ku shaacisay in sanadka 2017 aan lagu isticmaali doonin aaladaha taleefanada gacanta qaar waxaana ay shirkada shaacisay in dhamaadka sanadkaan ay hakin doonto isticmaalka adeegan taleefanada qaar oo ay kamid yihiin:
Black beri10 Nokia S40 Nokia Symbian S60 andoro 2.1 iyo 2.2 windos phone 7.1
Shirkada ayaana tilmaamtay in sababta rasmiga ah ee loo joojinayo ay tahay intaleefanada aysan la jaan qaadi Karin hormarada ay ku talaabsanayso shirkada iyo waxyaabaha kuso kordha aaladan sanadka 2017
Shirkada what’s app ayaa u dabaal dagi doonta isbuucan soo socda sanad guuradeedii todabaad ee kasoo wareegtay markii la hir galiyay waxaan isticmaala aaladan malaayiin qof oo caalamka ku nool .
shirkada ayaa sidoo kale sheegtay in 7 sano ee lasoo dhaafay ay ku tilaabsadeen hormaro waaweyn shirkadan ayaa waxay sahasha in ay wada xiriiraan dad is jcl kuwa qaraabo ah iyo asxaab kale oo isticmaala kuwaa oo ku kala nool daaafaha dunida iyagoo si dhib la’aan ah isku maqli kara.

