
Gaari waxyaabaha qarax laga soo buuxiyay ayaa xalay lagu weeraray xarunta Hoteelada Syl ee Magaalada Muqdisho.
Kooxda hubeysan ayaa gaariga ku qarxisay irida Hore ee Hoteelka syl ee Magaalada Muqdisho waxayna iska caabin ay kala kulmeen ilaada Hoteelka syl ee Magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay 10-qof ayaa ku dhimatay weerarka halka 25-kale ay ku dhaawacmeen oo u badnaa dad shacab ah oo goobahaas ku sugnaa.
Dhanka kale gaaari sidoo kale waxyaabaha qarxa laga soo buxiyay ayaa lagu weeraray xarunta beerta Nabada oo aan ka fogeynta hotel syl ee Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in goobta ay ku sugnaayeen dad aad u fara badan oo usoo damaashaad tagay goobta.
Qof kamid ahaa dadkii beerta Nabada ku sugnaa ayaa idaaacada simba u sheegay in gaari noociisa uu ahaa kuwa raaxada oo yaalay xarunta beerta uu qarxay isla markaana dad aad u fara badan ay waxyeelo kasoo gaartay.
Laamaha amaanka Dowlada soomaliya oo goobta soo gaaray ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen qaar kamid ah ragii weerarka soo qaaday isla markaana ay goobta iyaga la wareegeen markii dambe.
Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka xalay ka dhacay hotel syl iyo beerta Nabada ee Magaalada Muqdisho iyagoo tilmaamay in lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowlada soomaliya.


