Xildhibaan Cusmaan cilmi boqore oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa sheegay in kulamada baarlamanaka soomaliya ay mar kale horgeyn doonaan duqeymaha aan kala joogsi laheyn ay diyaaradaha Kenya ka wadaan Gobolada dalka soomaliya.
Cusmaan cilmi boqore oo la hadlay idaacada samba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan loo adkeysan Karin duqeymaha ay diyaaradaha kenya ka wadaan qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya ayna ku geeriyoonayaan dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.
“waxaa kulamada Baarlamanaka soomaliya aan mar kale horgeyn doonaa duqeymaha diyaaradaha Kenya ay kawadaan qaar kamid Gobolada dalka soomaliya oo lagu xasuuqayo shacabka soomaliyeed ayuu yiri xildhibaanka.
Gudoonka sare ee Baarlamanka soomaliya ayuu ku eedeeyay xildhibaanka in uusan dardargalin moooshinka laga keenay duqeymaha diyaaradaha kenya ay ka waadaan qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya.
Dhawaan ayay aheyd markii xildhibaano ka tirsan Baarlamanka soomaliya ay gudoonka sare ee Baarlamanka soomaliya u gudbiyeen mooshinka ka dhan ah duqeymaha aan kala sooca laheyn ee diyaaradaha Kenya ka wadaan Gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan Gobolka Gedo.

