Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii hoobiyaasha ahaa ee maanta lagu garaacay qaar kamid degmooyinka Gobolka Banaadir.
War kasoo baxay al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay al-shabaab ay guul ka gaareen weerarkii hoobiyaasha ee lagu garaacay xaafado ka ak dhow xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho oo ah halka ay dagan yihiin madaxda dowlada soomaliya.
“’guutada Madaafiicda al-shabaab waxa ay ku guuleysteen in ay weerar hoobiyaal loo adeegsaday in ay ku gaaracaan xarunta Madaxtooyada soomaliya waxaana lagu dilay weerarkaas saraakiil ka Tirsan xarunta madaxtooyada sida shaqaalo ka Tirsanaa xafiiska Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid cumar Cali sharmarke ayuu lagu yiri warka soo baxay al-shabaab.
Sidoo kale warka waxaa lagu sheegay in madaafiicda ay ku dhaceen xarun gadiid ay ka dhigan jireen madaxda dowlada soomaliya taasina ay sababtay burbur soo gaaray gaadiid badan oo yaalay xarunta.
Marka laga soo tago Hadalka al-shabaab waxaa madaafiicda ku dhintay dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan sida dad isku qoys ahaa iyo qof xiligaas usoo martiyay oo ku sugnaa degmada Howlwadaagaas ee Magaalada Muqdisho.

