Ciidamo ka kala Tirsan Boolis iyo Malatari oo Haatan ku dagaalamaya Magaalada Baydhabo

0

Wararka haatan ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ee Ku waramaya in Gudaha Magalaadaas ay haatan ku dagaalamayaan ciidamo ka kala Tirsan Booliska Iyo Malatari.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dagaalka u dhaxeeya Labada Ciidan qof kamid ah dadka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay sida idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ay u sheegeen dad ku sugan magaalada Baydhabo.

Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa ka gaabsaday in ay ka Hadlaan dagaalka u dhaxeeya Labada ciidan oo ka Tirsan dowlada soomaliya.

Shalay ayay aheyd markii Duleedka Magaalada Cadaado ay ku dagaalameen Labo ciidan oo ka Tirsan ciidamada xoogga dalka soomaliyeed qeybta 21-aad ee Gobolka galgaduud.

Wixii kusoo kordha simbanews.com kala soco

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here