Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirkii Hore ee difaaca Xukuumadi Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa beesha caalamka ugu baaqay in dowlada soomaliya laga caawiyo in la tayeeyo lana qalabeeyo ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed.
Wasiirkii hore ee difaaca xukuumadihii dalka soo maraya ayaa sheegay in hadii la tayeeyo ciidamada xoogga dalka soomaliyed ay dowlada soomaliya ku guuleysan doonto in ay la wareegato gabi-ahaanba dalka iyo goobaha ay ku sugan Yihiin al-shabaab.
Waxa uu Tilmaamay In haatan dib loo soo nooleynayo sharaftii ciidamada xoogga dalka soomaliyeed kuwaasi oo la wareegay goobo ay horey ugu sugnaayen ciidamada al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Amisom.
“ Waxyaabaha beesha caalamka ka dhiman waxaa kamid ah in si weyn loo tayeeyo ciidamada dowlada soomaliya lana qalabeeyo ciidamada xoogga dalka soomaliya hadii la qalabeeyo waxay dowlada soomaliya awood u yeelan doontaa la wareegitaanka dalka oo dhan. Ayuu yiri wasiirka Hore ee difaaca soomaliya Fiqi. oo wareysi siiyay idaacada simba
Taliska ciidanka xoogga dalka soomaliyeed ayaa Mudooyinkii dambe waday dadaalo ku aadan sidii loosoo celin lahaa awoodii uu lahaa ciidanka Xoogga dalka soomaliyeed.

