Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa ka warbixiyay 3-haween oo soomali ah oo la xukumay kadib markii lagu soo eedeeyay in ay taageeri jireen xarakada al-shabaab .
Taliya Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya Andrew Njagi ayaa warbaahinta u sheegay in haweenkaan la ogaaaday in ay xiriir dhow la lahaayeen xarakada al-shabaab waxaana gacanta lagu dhigay bishii March ee sanadkii Hore. Xili ay ku sugnaayeen Magaalo Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.
3-Haween oo xukunka lagu riddey ayaa Magac-yadooda lagu kala sheegay Zanzibari Ummul Khayr Sadir Abdalla, Khadija Abubakar Abdulkadir iyo Maryam Said Aboud waana gabdhbo haysta dhalashada dalka Kenya. balse lama shaacin inta sano ee lagu xukumay qofkiiba.
Booliska waxa uu sidoo kale sheegay in baaritaano dheer la sameeyay kadib la ogaaday in haweenkaan ay muddo badan la shaqeyn jireen xarakada al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Kenya oo ciidan ay ka joogaan soomaliya.
Bishii March ee sanadkii Hore ayay aheyd markii Booliska Magaalada Mombasa uu haweenkaan gacanta kusoo dhigay xili lagu eedeeyay kamid ahaanshaha al-shabaab.

