Waxaa maanta Lagu wadaa in Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga lagu soo gaba-gabeeyo shirka Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada/hay’adaha iskaashiga la leh ee dhinaca dib u dhiska Soomaaliya (High Level Partnership Forum). Oo shalay Magaaladaas ka Furmay.
Shirka waxaa Furey Madaxweynaha wadanka Turky-ga Recep Tayyip Erdoğan, waxaana ka qeybgalay Madaxda soomalida sida Madaxweynaha soomaliya. Raisulwasaaraha soomaliya, qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamulada dalka ka Jira in ka badan 200 oo ergo oo ka socda in ka badan 50 dal, hay’adaha caalamiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha wadanka Turky-ga Recep Tayyip Erdoğan oo Furitaanka shirka qudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dowladihiisa ay mar walba Taageeri doonto dowlada soomaliya ayna ka caawin doonto la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada caalamka.
Sidoo kale waxaa Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga ka dhacay kulan sadex geesood ahaa oo dhexmaray madaxweynaha Turky . madaxweynaha soomaliya iyo Dan jiraha midowga afrika ee soomaaliya ahna madaxa ugu sareeya Howl-galka Amisom Ambassador Francisco Madeira, oo shir gudoomiyey kulanka gaar ah oo loogu hadlaayay arrimaha soomaliya iyo tayeynta ciidamada amisom ee soomaliya ku sugan.
Shirka waxaa ayaa maanta la filayaa in Lagu soo gaba-gabeeyo Magaalada Istanbul iyadoo sidoo kale laga soo saari doono war-murtiyeed Tilmaamaya wixii shirka loogu Hadlay.

