Daafaca kooxda Chelsea Cesar Azpilicueta ayaa aaminsan in xidiga Eden Hazard uu lamid yahay xiligaan xidig cusub ay kooxda lasoo wareegtay kadib markii qaab ciyaareed wanaagsan uu kusoo bandhigay kulankii Chelsea iyo Manchester City.
25-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ka ayaan bandhig wanaagsan aan sameynin mudooyinkii dambe balse kulankii FA Cup-ka ayuu dhaliyay gool isgaoona caawiyay labo kale,
Cesar Azpilicueta oo saaxiib dhow la ah xidiga Eden Hazard ayaa aaminsan in laacibka uu kusoo laabtay qaab ciyaareedkiisa isla markaana uu noqon doono laacibkii lagu yaqaanay bandhiga fiican

