Xidigii Hore ee xulka dalka Ingiriiska iyo kooxaha Manchester United iyo Real Madrid David Beckham ayaa amaan usoo jeediyay xidigaha kala ah Dele Alli iyi Harry Kane ooo Totenham ka tirsan kadib markii ay bandhig wanaagsna ka sameeyeen Horyaalka dalka Ingiriiska.
David Beckham waxa uu sidoo kale aaminsan in yahay in labadaan xidig ay xulka dalka Ingiriiska ay ka caawin doonaan in uu ku guuleysto ciyaaraha Euro 2016. Oo sanadkaan lagu qaban doono dalka France.
Dele Alli ayaa bandhig wanaagsna ku qaadanaya kooxda Tottenham Isagoona kasoo muuqday 35-kulan wuxuuna shabaqada uu soo taabtay 7-jeer.
19-jirkaan ayaa Fursad wanaagsan ka helay macalinka reer Argentine ee Mauricio Pochettino kadib markii uu xulka dalka Ingiriiska uu kasoo muuqday 4-jeer wuxuuna goolkiisa ugu horeeyay oo caalami ah uu ka dhaliyay xulka dalka France bishii November.

