Madaxweynaha dalka turkiga Recep Tayyip Erdoan ayaa sheegay talaadadaan maanta in dowlada turkiga ay ka go’antahay taageerada ay siiyaan walaalahooda soomaaliyeed , isagoona sheegay in ay ka taageeri doonaan wax soosaarka dalkooda, kaabayaasha iyo hormarka inta ay nabadooda keen sanayaan.
Erdogan oo ka hadlay shirka sare ee hormarinta soomaaliya looga hadlaayo kana socda magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga ayaa sheegay in sidoo kale turkiga uu soomaaliya ka caawin doono la dagaalanka argagaxisada.
“Ma kala saarayo farqiga u dhaxeeya Al-shabaab, Daacish ama Al-nusra, PKK ama PYD iyo YPJ . magaceey rabaan ha wataan, argagaxiso waa argagaxiso sidaas waxaa yiri erdogan”.
Turkiga waxaa hishiisyo cusub uu la saxiixanayaa dowlada madaxweyne xasan sheikh ayuu yiri madaxweynaha turkiga erdogan.
Madaxweynaha turkiga ayaa carabaabay in soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero xaalada cakiran ee dalka uu ku jiro, waxaan u baahan nahay taageerada soomaaliya, kama tagin doono waligeen dalka oo meel xun taagan ayuu yiri.
Turkiga 30 sano waxaa uu dagaal kula jiraa kooxo argagaxisa ah , marka ma jiraan argagaxiso fiican iyo kuwa xun dhamaan waa isku caqiido ayaa madaxweynaha uu shirka arrimaha soomaaliya looga hadlayo ee Istanbul ka sheegay talaadaan maanta.
Wafdi balaaran oo soomaali ah oo madaxweynaha dalka , raisul wasaaraha hogaaminayaan iyo 51 dal wafuud ka socota oo soomaaliya daneeya ayaa Istanbul iskugu soo uruuray, halkaasi oo ay uga qeyb galayaan laba maalin shir socon doona oo looga arin sanaayo hanaanka dib u dhiska soomaaliya.

