Shirka loogu Hadlaayo Siyaasada Soomaliya oo Maanta ka Furmaya Magaalada Istanbul

0
Istanbul City 1.0

Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga waxaa maanta ka furmaya shirka loogu hadlaayo waxyaabihii kasoo baxay shirkii madashada wada-tashiga qaran ee dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ee caasimada.

Shirka waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud, Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke. Madaxweynayaasha Maamulka Juba-land, Galmudug iyo koonfur Galbeed soomaliya,

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo mowqif ahaan kasoo horjeeda in doorashada soomaliya ka dhacaysa lagu saleeyo nidaamka 4.5 ayaan shirkaan caalamiga ah aan ka qeyb gali doonin isagoo la sheegay in uu gaarayo dalka Mareykanka.

Dhanka kale  shirka waxaa ka qeyb galay madax caalami ah kuwaasi oo daneeya arrimaha soomaliya sida dowladaha Midowga Yurub,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here