Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta ka hadashay isqab-qabsiga ka taagaan hogaanka ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed.
Maxkamada sare ee dalka xukmisay inuusan dalka ka jirin urur iskaashato Qaran kadib markii maxkamadda ay u fariistaay dacwad is qab qabsi ah u dhexeysay labo garab oo isku heystay Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed,
Kaaliyaha Maxkamda sare ee dalka Mahdi Xuseen Maxamuud ayaa ugu horeyn aqriyay go’aanka ay maxkamdda soo saartay iyo sharciyada loo cuskaday.
- Maxkamadda waxa xukuntay in ururkii jiray xiligii dowldda dhexe ee UDHIS uu la bur buray dowladdii dhexe ee dalka.
- In wixii hanti uu ka tegay ururka ee ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
- In aan hadda jirin ururkaasi ama Urur Iskaashato oo heer Qaran oo dadka oo dhan ka dhexeeya, laamana ku leh degmooyinka iyo gobollada dalka.
- In wixii urur ah ee ka jira Xamar uu yahay mid Xamar un ku kooban, ama gaar gaarka ah, sida kan gaadiidka, dhuxusha, beelayda
- Iskaashato dal ama waxay noqon kartaa marka degmooyinka iyo gobollada dalka ay ka sameystaan urur iskaashato, isla markaana sameysta xeerar ay isku maamulayaan.
- Labadan urur ee dacwadan isaga soo horjeeda, midkoodna ma buuxin sharuudihii ay uu ku noqon lahaa urur Iskaashato Qaran oo ay ku midoobeen iskaashatooyinka ka jira dalka.
Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkmada sare ee dalka Mudane Ceydiid Cabdullahi Ilka xanaf ayaa tilmaamay in hadii loo baahdo in la sameeyo Ururka iskaashatooyinka Qaranka loo baahan yahay in la sameeyo sharci lagu dhisayo Ururka, sidaas darteed dalka aysan ka jirin ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed.
Mudooyinkii waxaa jirey muran u dhaxeeyay labo garab oo kala sheeganayay hogaanka ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

