Sheikh Axmed Cali Gees :- Al-shabaab Waxaan Isaga Baxay Sanado ka Hor

0

Sheikh axmed cali gees oo dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nabad sugida maamulka Galmudug ayaa dib u helay xoriyadiisa.

Ciidamada nabad Sugida Maamulka Galmudug oo todobaadkii Gudihiisa ku qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Sheikh axmed cali gees ayaa ku eedeeyay in uu kamid ahaa dadka falalka amni daro ka geysta Gudaha Magaalada cadaaado sidoo kale Taageero buuxda siiya xarakada al-shabaab ee soomaliya ka dagaalanta.

Isagoo warbaahinta kula Hadlay Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud ayuu sheegay Sheikh axmed cali gees in sanadka markii  uu ahaa 2012-ka uu gabi-ahaanba ka tanasulay Taageerida xarakada al-shabaab oo kamid ah ururada ka dagaalama koonfurta iyo Bartamaha soomaliya.

“Waxaan rabaa inaan maanta Ummada Somaliyeed u cadeeyo inaan isaga baxay Al Shabaab, sanadka marka uu ahaa 2012-kii, ummada ha ogaato inaanan ka tirsanayn Al Shabaab.” Ayuu yiri Sheekh Axmed Cali Gees

Sheekh Axmed Cali Gees ayaa sidoo kale  xarakada Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Tafaftirka Wararka Warbaahinta soomalida.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here