Wararka Nagasoo Gaaraya Maanta oo Khamiisa deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka hiiraan ayaa sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal dhaliyey qasaare isugujira dhimasho iyo dhaawac una dhexeeyey ciidanka dowladda soomaaliya iyo kuwa midowga afrika gaar ahaan kuwa itoobiya oo dhinaca iyo ciidamo taabacsan dhaqdhaqaaqa al-shabaab.
ilaa hadda lama oga dagaalka qasaaruhu geystay intuu le egyahay bal;se saraakiisha ciidanka dowladda ee deegaanka Halgan ayaa sheegay in Hadda deegaanka dagaalku ka dhacay ay gacanta ku hayaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa amisom islamarkaana ciidanku ay hadda wadaan baaritaanno ay ku baadigoobayaan kooxihii ka tirsanaa xarakada alshabaab.
Wixii kasoo kordha Faahfaahintooda dib kala soco insha allah.

