Raisulwasaaraha Soomaliya oo lagu Xayiray Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta

0

Wafdi uu Hogaaminaayay Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa lagu xayiray Garonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport. ee Magaalada Nairobi

Laamaha Amaanka Garoonka diyaaradaha  Jomo Kenyatta International Airport ee Magaalada Nairobi ayaa Wafdiga Raisulwasaaraha soomaliya  u wargaliyay in laga baarayo baasapoorada ay wadaan.

Xildhibaan C/laahi Jaamac oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa Laanta afka soomaliga ee Voa-da u sheegay in ilaa haatan ay ku xayiran yihiin Garoonka Jomo Kenyatta International Airport. Ee Magaalada Nairobi.

Dhanka kale warar aan heleyno ayaa Tilmaayo in Raisulwaasaraha soomaliya Cumar C/rashiid iyo xubno kamid ahaa wafdiga loo ogolaaday in ay galaan Gudaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaar kamid ah wafdiga Raisulwasaaraha soomaliya ayaa sheegay in tani ay tahay mid xushmad daro ah islamarkaana  ay horgeyn doonaan Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya.

Raisulwasaaraha soomaliya iyo wafdigiisa ayaa kusii jeeday dalka Turky-ga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here