Howlgalo Baaritaano ah oo Saakay ka Socda degmada Heliwaa

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka iyo ciidamada midowga africa ee  amisom  oo iskaashanaya ay degmadaas ka wadaan Howlgal amaanka lagu xaqiijinaayo.

Dad ku sugan degmada Heliwaa oo idaacada simba la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaqdhaqaaq ah isla markaan howlgalka uu yahay guri ka guri ay sameynayaan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga africa ee amisom.

Dhanka kale Ma jiraan wax saraakiil ah oo ka hadlay howlgalkaan saakay ka socda degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho. iyadoo la xasuusto in mudooyinkii dambe  degmooyinka gobolka Banaadir laga sameynayay holwglo amaanka lagu xaqiijinaayo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here